Skip to main content

Somali

Akhbaarta Aasaasiga ah ee ku Saabsan Gaadiidka Dadweynaha

Ma u baahan tahay turjubaan?

Akhbaarta baasaska iyo tareenada, jadwalada, weecashooyinka.

Wac 612-373-3333

Dooro xulashada 3

Saacadaha:

  • Isniinta ilaa Jimcaha: 6:30 a.m. ilaa iyo 9 p.m.
  • Sabtida iyo ciidaha federaalka: 8:00 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m.
  • Axadda: way xiran tahay

Wixii dhuma, ashtakooyinka, talooyinka

Wac 612-373-3333

Dooro xulashada 3

Saacadaha: Isniinta - Jimcaha: 7:30 subaxnimo ilaa iyo 5:30 fiidnimo.


Sida loo raaco baasaska iyo tareenada

Baasaska

Baasaska xaafadahu maalintii oo dhan waa ay socdaan waxa ayna is-taagaan meelo badan oo jidkooda ah.

Baasaska dhaqsadaa inta qaalibka ah waxa ay socdaan subaxii iyo galabtii kolka shaqada la geliyo ama laga soo rawaxo. Baasaska dhaqsadaa waxa ay maraan Jidadka waaweyn (highway). Baasaska dhaqsadaa ma is-taagaan meelo badan oo baasaska kale is-taagaan. Baasaska dhaqsadaa lacag siyaada ah ayaa lagu raacaa.

Sida loo raaco baasaska

Tareenada fud-fudud

Tareenada fud-fududi waxa ay ka baxaan inta badan ayna is-taagaan saldhig walba ee gaadiidka dadweynaha.

Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Buluuga ahi waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo gegida diyaaradaha (airport) iyo Mall of America iyagoo qaadanaya wadada Hiawatha Avenue.

Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Cagaarani waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo beledka hoose ee St Paul iyagoo qaadanaya University Avenue.

Sida loo raaco tareenada fud-fudud.

Leenka bas ee METRO

Leenka basaska waxay u kala safraan 46th Street Train Station iyo Rosedale Shopping Center ayagoo sii maraya Snelling Avenue.

Basaska Leenka B waxay u kala safraan Uptown Minneapolis iyo faras-magaalaha St. Paul ee ku teedsan Lake Street, Marshall Avenue, iyo Selby Avenue

Basaska Leenka C waxay u kala safraan faras magaalaha Minneapolis iyo Brooklyn Center Transit Center ayadoo la sii marayo Penn Avenue.

Basaska Leenka D waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Mall of America iyo Brooklyn Center Transit Center.

Basaska Leenka Dahabka ah waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Woodbury iyo faras-magaalaha St. Paul iyagoo sii mara Oakdale, Landfall, iyo Maplewood.

Basaska Leenka Oranjiga waxuu ka soo bilaabmaa Burnsville's Heart of the City Station isagoona tagaya faras magaalaha Minneapolis.

Basaska Leenka Casaanka waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Mall of America iyo Apple Valley Transit Station.

Sida loo isticmaalo gaadiidka baska ee dheereeya


Meeqa lacag ah ayaa la rabaa in aan bixiyo?

Lacagta
Baaska Xaafada & Lacagha jiro
Dadka waaweyn da'da 13-64 $2,00
Waayeelka (65+)
Dhalinyada (6-12)
$1,00
Downtown Zone $0,50
Degdeg Saacadaha
shaqada lagu jiro
Dadka waaweyn (da'da 13) $2,50
Waayeelka (65+)
Youth (6-12), Medicare
$1,00
Lacagta la dhumay
Dadka Naafada $1.00
Waqtiyada kale oo dhan & METRO
llmo 5 jir ah ama ka yar LACAG LA'AAN (3 ku kooban)
Waa inay la socdaan qof lacag bwiyey

Tikidhada/wareejinta waxa ay shaqeeyaan muddo 2 ½ ah. Wareejinta waxaa loo isticmaali karaa gaadiidka sida baasaska, tareenada iyo baasaska degdega ah.

Sida loo bixiyo lacagta baasaska lagu fuulo

Lacag cadaanka ah: Baasasku lacag baaqi ma soo celiyaan. Cadadka saxda ahi bixi ka dibna codso wareejin in lagu siiyo.

Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.

Metro Transit App: Ka tus wadaha baaska shaashada telefoonka gacanta.

Sida loo bixiyo lacagta tareenka lagu fuulo

Cadaan ama kaararka amaahda: Ka bixi mashiinka tikidhada. Tikirka ayaad u istcimaali kartaa wareejin ahaan.

Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.

Metro Transit App: Ka tus shaashada telefoonka gacanta hadii lagu waydiiyo in aad lacagtii bixisay.

Booliiska Metro Transit waxa ay soo fuulaan tareenada si ay u fatashaan tikidhada. Tus booliiska tikidhkaaga, wareejintaada, Go-To Card ama Metro Transit App hadii lagu waydiiyo.

Sida lagu bixiyo lacagta lagu fuulo gaadiidka baasaska degdeg ah.

Cadaan ama kaararka amaahda: Ka bixi mashiinka tikidhada. Tikirka ayaad u istcimaali kartaa wareejin ahaan.

Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.

Metro Transit App: Tus shaashada telefoonka gacanta hadii lagu waydiiyo.

Booliiska Metro Transit waxa ay soo fuulaan tareenada si ay u fatashaan tikidhada. Tus booliiska tikidhkaaga, wareejintaada, Go-To Card ama Metro Transit App hadii lagu waydiiyo.

 


Sida lagu helo kaarka Go-To Card:

Goosashada Go-To Card ama lacag ku ridashada Go-To Card waxaa laga heli karaa mashiinada yaal saldhigyada tareenada, Cub Foods, Metro Transit Service Center ama shabakada (website) Metro Transit. Foomka dalabka (Go-To Card)

Go-To
Goobta Ciwaanka Saacadaha
Beledka hoose ee Minneapolis 719 Marquette Ave. Isniinaha-Jimcaha:
8:30 sub. - 4 gal.
beledka hoose ee St. Paul Skyway, US Bank Center
101 E. 5th St.
Isniinaha-Jimcaha:
8:30 - 11:30 sub. - 3:30 gal.

Dadka lacagta gaadiiid raaca laga dhimo

Dadka Naafada ah

Qaar ka mid ah dadka naafada ahi waxa ay xaq u yeelan karaan in lacagta gaadiidka laga dhimo. Dadkaa naafada ahi waa khasab in ay haystaan cadeyn la aqoonsaday si ay helaan lacag dhimida.

Barnaamijka dadka dan-yarta ah (TAP)

Dadka dan-yarta ahi waxa ay xaq u yeelan karaan in ay $1 ku raaci karaan gaadiidka maalintii oo dhan.

Si aad xaq ugu yeelato la imow dukumiintiyo la aqoonsan yahay oo cadeynaya dhakhligaaga

Ka codso khadka (on-line) ka ama tag rugta Metro Transit Service Center ama goobta codsiyada lagu qabto.

Hadii laguu ogolaado, waxaa lagu siin kaar gaar ah oo ah nooca Go-To Card oo aad mar walba lacag ku ridato.

Noqo lammaane TAP ah

Lacagta Gaadiid raacda ee Waayeelka

Dadka waayeelka ah ee ka weyn da’da 65 sanno waxa ay ku raacaan lacag yar baasaska iyo tareenka.

Si aad ugu raacdo lacag yar gaadiidka, tus aqoonsiga leh xarafka “T” ama codso in boostada laguugu soo diro kaarka Go-To Card ee lacagta dhiman.

Xaquuqda Muwaadinka - Ashtakooyinka Dad kala Soocida ee Title VI (Civil Rights - Title VI Discrimination Complaint)

Xaquuqda Muwaadinka ee Sharciga Title VI ee 1964 (Civil Rights Act of 1964) waa sharci dowlada dhexe leedahay oo ka ilaaliya shakhsiyaadka iyo kooxaha in lagu sameeyo dad kala soocid ku salaysan midab, jinsiyad, qoowmiyad.

Ogow xaquuqdaada ku qoran sharciga Title VI