Skip to main content

Qorshaha Hagaajinta Adeegyada

Ka caawi ka qeybqaadashada dhisidda mustaqbalka adeegyada baska ee Metro Transit

Waxaannu diyaarineynaa waxa muhiimadaha u ah nidaamka gaadiidkeenna koraya  ​

​Metro Transit waxay dhisaysaa qorshaha habeynta adeegyada 10-15 sano ee lagu fidinayo nidaamka baska.

Naga caawi sidaannu u dhisayno qorshaha – fadlan nala qeybso sida ay kula tahay habeynta aad dooneyso in ay soo baxdo.

Tallaabooyinka lagu dhisayo qorshaha

1. Eeg fikradaha ay rukunka ka dhibteen, ee ku addaan dulucaha caamka ah, hannaanada iyo codsashooyinka ugu badan ee dib u habeynnada.

2. La soo xariir kuwa wax ka arrimiya (madaxda la soo doortay, hoggamiyeyaasha jaalliyadaha, iwm) iyo dadweynaha si ay ku helaan talooyin qaasa iyo lagu hubiyo in dulucyadaan ay kaafinayaan waxyaabaha ay filanayeen; liistada ku dar waxyaabo kaloo dheeraada ee loo baahanyahay.

3. Ayadoo laga tusaalaqaadanayo macluumaadka na soo gaaray, waxannu soo diyaarin donnaa hordhaca Qorshaha Hagaajinta Adeegyada (Service Improvement Plan). Waxaannu hindisi doonnaa qorshaha gaadiidka ayadoo la raacayo mabaadi’ida hoos ku xusan.

4. Hordhaha qorshaha loo qeybiyo dadweynaha si ay u eegaan faallana uga dhiibtaan.​

5. Mar haddii aad nagu soo warcelisid, qorshaha ayaannu wax ka baddaleynaa.

6. Ugu dambeyntana, waxaannu hirgelineynaa qorshaha. Waxuuna nagu caawin doonna in aannu ku kala saarno xagga iyo sida aannu ku habeyn lahayn adeegyadeenna mustaqbalka na haya.

 
 
 

Isbaddaalladu aannu ognahay in uu rukunka doonayo

Metro Transit waxaa ay markasta aruurisaa fikradaha rukunka – waxkasta ee qaas u ah waddoo baska maro ilaa iyo guudahaamba nidaamka ay basaska ku shaqeeyaan.​

Faallooyinka badankooda dulucyadaan ayay quseeyaan:

“Habeynta waddooyinka magaalada ee ugu muhiimsan ee basku maro”

"La kordhiyo bas si toos ah u kala goosha xaafadaha magaalada hareereya”

"La ballaariyo waddooyinka uu u maro xaafadaha magaalada ku dhex wareega”

“La kordhiyo adeegyo dheerada ee baska dheeraya” 

“La badiyo xawaaraha safarka”


Transit Planning 101

Waxyaabo badan ayaa loo baahanyahay in la galiyo si lagu helo nidaam gaadiid ah ee si fiican u shaqeeya. Halkaan waxa ka heleysaa qeybaha ugu muhiimsan:

Gaadiid dad badan ee kala duwan ku xira meelaha ay ku noolyihiin, ka dukaameystaan iyo ku raaxeystaan.

Gaadiid u cuntama isticmaalka lacagta dadweynaha.​​

Gaadiid bixinaya helitaanka heerka aasaska ee deegaanka oo idil ku fidsan.

Gaadiid taageeraya horumar isudheellitiran.​​


Metro Transit waxuu xasuusanayaa isticmaalka mabaadi’ida qorshayntan marka adeegga baska la dhisayo:

Complex route vs. simple route

La hindiso waddooyinka si fudud, iyo si toos ah uu baska u marayo. 

Waddooyinka sida fudud baska uu u maro si toosa waa kuwo si fudud lagu fahmayo lagana helayo adeegyo badbaadsan. Waddada qalqallooca leh ee baska maro waxa uu ahaan doona mid gaabiya, jaahwareer badan iyo lacag badan ay ku baxayso.

Ka shaeeya meel dadka ugu badanyihin isticmaalka

Meelo dad badan iyo meelo la tago oo isku dhowdhow oo qarash yar uu adeegga baska ku baxayo. Meelaha ay dadka si weyn u degganyihiin waxaa laysku dubbaridayaa waddooyin kooban ee baska marayo oo qaadaya dad aad u tiro badan iyo baahiyada loo qabo, taaso raacista baska ay wax u tareyso dad tiro badan.

High density usage

Isku dheellitirka soo noqnoqoshada iyo baaxadda 

Tan waa isdhaafka weyn ee gaadiidka. Metro Transit waa in ay ku qiyaasto ilaha kooban ee ka dhexeeya adeegyo dheereeya, noqnoqosho leh ay dhici karto in ay dadka laga rabo in ay lugeeyaan kaaso haqabtiraya adeegyada la gaarsiinayo deegaan dheeraada balse ay noqnoqoshadu ka sii yaraaneyso. Damaca: loo adeego tirada dadka ugu badan ayadoo la bixinayo helitaanka aasaasiga ee deegaanka.

La isbarbardhigo heerka adeegyada loo baahanyahay 

Marka ay surtogal tahay, waxaannu bixineynaa basas aad u waaweyn iyo adeegyada la kordhiyo meelaha looga baahanyahay. Bixinta adeegyo badan waa mid aad qiimo sarreysa waxeyna kahortageysaa safarrada iyo waddooyinka baska ee meelaha aad looga baahanyahay. Bixinta adeegyada yar ee gaadiidka baska ka dhigeysa mid waxtar yar iyo taaso sababi karta basas badan loo diro meel adeegga horey uga jiray.