Skip to main content

Soomaali

Macluumaadka Qiimaha Tigidhada
Baska iyo Tareenka
waqtiyada aan la
degdegsanayn
waqtiyada la
degdegsan yahay
M-F: 6-9 da & 3-6:30 ka
Dadka waawayn (da da 13-64) Qiimaha gaadiidka meelaha badan istaaga $1.75 $2.25
Qiimaha gaadiidka aan
meelaha badan istaagin
$2.25 $3.00
Waayelka (da da 65+) Barbaarta (6-12)
& Dadka leh kaarka Medicare
Qiimaha gaadiidka meelaha badan istaaga $0.75 $2.25
Qiimaha gaadiidka aan
meelaha badan istaagin
$0.75 $3.00
Dadka naafada ah lagu raaci karo mid kasta $0.75 $0.75
Tareenka waxaa lagu raacaa qiime u dhigma kan basaska meelaha badan istaaga.
Tigidhada lagu raacayo Northstar Commuter Rail, halkan riix.


Tigidhada Qiimaha jaban

Fadlan wargeli wadaha baska inta aadan bixin qiimaha tigidhka haddii aad mudan tahay in tigidhka lagaaga iibiyo qiimaha hoos ku qoran. Haddii aad raacdo tareenka u sheeg kuwo tigidhada gooya inaad mudan tahay in tigidhka qiimo jaban lagaaga iibiyo.

Qiimahani waa kan tigidhka lagu iibiyo watiyada aan la degdegsanayn:
Waayeelka (da'da 65+): Si laguugu aqoonsado, tus warqadda ogolaanshaha wadidda gaadiidka ama warqadda aqoonsiga ee gobolka Minisoota oo leh xarafka T.

Barbaarta: Da’da 6-12 waxay mudanyihiin tigidho qiimo jaban.

Dadka wata kaarka Medicare: Si mudnaanshaha loo tixgaliyo tus kaarka Medicare iyo aqoonsi sawir leh.

Qiimaha tigidhani waa kuwo saamays ku leh xilliyada oo dhan: Shaqsiyaadka Naafada ah: Si aad ugu hesho mudnaasho, tus aqoonsiga kaarkaaga Metro Mobility ama tikidhka beddelka, ama Aqoonsiga ku meel gaarka ay la socdaan Aqoonsiga sawir leh ee shatiga gaadiidka/warqaadda Aqoonsiga ee Minnesota oo wata oggolaashada xarafka A ama L . Macluumaadka la xiriira caddaymaha, wac Xiriirka Macaamilka ee ah 612-373-3333.

Caruurta: Da'doodu tahay 5 sano ama ka yar (illaa sadex caruur ah) waxay gaadiidka ku raaci karaan lacag la’aan marka uu la socdo qof wayn oo tigid iibsaday.

Agagaarka Faras magaalaha: Marka aad isaga dhex gooshayso faras magaalaha waxaad ku raaci kartaa 50¢.

Dhalinyarada: Ardayda iyo da’yarta shaqaysa ee 17 sano ama ka yar waxay iibsan karaan kaarar loogu tala galay. La xiriir dugsiga aad dhigato ama goobta shaqada si aad u hesho.


Kaararka lagu raaco gaadiidka

Lacag ha kuu baaqato marka aad iibsanaysid kaararka tigidhada ee Metro Transit iyo dukaamada tafaariiq ahaan ama internetka looga iibiyo.

Hagaha Isticmaalayaasha: Hagahan kala soco si aad uga faa’iidaysatid isticmaalkaaga Go-To Card, Metropass ama College Pass.


Sanduuqa lagu rido lacagta

Waxaad kale oo tigidhka gaadiidka lagu raaco ka iibsan kartaa basaska laftooda adiga oo lacagta ku ridaya sanduuqa loogu tala galay ee dhinac yaala wadaha baska. Waxaad ku bixin kartaa lacagta xaashida ah iyo sunuudba. Ogoow, baaqi laguuma celin karo haddii aad baska lacagta ku bixinayso.


Beddelyada

Tigidhada beddelyada ah ayaa si aan xad lahayn ugu raaci kartaa basaska iyo tareennada – muddo dhan 21/2 saacadood (laba saacadood iyo bar). Tigidh beddelyada weydiiso marka aad lacag caddaan ah mid ku iibsanaysid. Beeddeelashadu waxay ku soconayaan qaab iswada habka sida kaararka tigidhada Go-To iyo kuwa tareennada lagu raaco. Si aad tigidhka baska ugu baddalatid tareenka adiga oo isticmaalaya SuperSaver Stored Card, waxaa shardi ah in aad darewalka baska weydisato tigidhka beeddeelashada ee tareenka lagu raacayo.


612-373-3333

Telefoon aad u soo dirto ayaad ku ogaan kartaa macluumaadka ku saabsan nidaamka gaadiidka oo ay ka mid yihiin:

Macluumaadka Gaadiidka Magaalada

Waydii jadwalka iyo dariiqa gaadiidku maro (khadadka)

Saacdaha:
Isniinta – Jimcaha 6:30ka aroornimo – 9:00ka fiidnimo
Sabtida, Axadda iyo ciidaha 8:00da aroornimo – 5:00ta galabnimo
Way xiran yihiin Thanksgivingka iyo maalinta ciidda Masiixiga

24ka saac waxaad maclaaumaadka jadwalka ka helaysaa

Adiga oo soo waca : 612-341-4287 

Xiriirka macaamiisha iyo halka la geeyo wixii Lumay & La Helay

570-6th Ave. N., Mpls.
Noo sheg ra’yigaaga iyo talo bixintaada ama ka soo hubi alaab kaa luntay

Saacdaha:
Isniinta – Jimcaha 7:30 aroornimo – 5:30da galabnimo
Fasaxyada waa xiranyihiin

Barnaamijka diiwaangalinta iyo isku aadinta
Gaadiid la isla raacayo, Guaranteed Ride Home (Gaadiid La Raco ee Hubaala) iyo qufullada baaskiilka


Khadka telefoonka

Soo wac oo dalbo baqshadda tigidhkeeda la sii bixiyay: 612-349-7681


Adeegyada loogu tala galay dadka dhegaha culus

Adeegyada oo wac 612-341-0140 macluumaadka ku saabsan jidadka gaadiidku maro iyo jadwalkaba; soo wac 612-349-7439 si aad ula hadasho xiriirka macaamiisha /wixii dhuma ee la helo qaybta qaabilsan.