Sida loo raaco baasaska iyo tareenada
Baasaska
Baasaska xaafadahu maalintii oo dhan waa ay socdaan waxa ayna is-taagaan meelo badan oo jidkooda ah.
Baasaska dhaqsadaa inta qaalibka ah waxa ay socdaan subaxii iyo galabtii kolka shaqada la geliyo ama laga soo rawaxo. Baasaska dhaqsadaa waxa ay maraan Jidadka waaweyn (highway). Baasaska dhaqsadaa ma is-taagaan meelo badan oo baasaska kale is-taagaan. Baasaska dhaqsadaa lacag siyaada ah ayaa lagu raacaa.
- Khariidada jidka baasaska
Sida loo raaco baasaska
Tareenada fud-fudud
Tareenada fud-fududi waxa ay ka baxaan inta badan ayna is-taagaan saldhig walba ee gaadiidka dadweynaha.
Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Buluuga ahi waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo gegida diyaaradaha (airport) iyo Mall of America iyagoo qaadanaya wadada Hiawatha Avenue.
Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Cagaarani waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo beledka hoose ee St Paul iyagoo qaadanaya University Avenue.
- Khariidada jidka Khadka Cagaaran
Sida loo raaco tareenada fud-fudud.
Leenka bas ee METRO
Leenka basaska waxay u kala safraan 46th Street Train Station iyo Rosedale Shopping Center ayagoo sii maraya Snelling Avenue.
- Qariirad jideedka Leenka A
Basaska Leenka B waxay u kala safraan Uptown Minneapolis iyo faras-magaalaha St. Paul ee ku teedsan Lake Street, Marshall Avenue, iyo Selby Avenue
- Qariirad jideedka Leenka B
Basaska Leenka C waxay u kala safraan faras magaalaha Minneapolis iyo Brooklyn Center Transit Center ayadoo la sii marayo Penn Avenue.
- Qariirad jideedka Leenka C
Basaska Leenka D waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Mall of America iyo Brooklyn Center Transit Center.
- Qariirad jideedka Leenka D
Basaska Leenka Dahabka ah waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Woodbury iyo faras-magaalaha St. Paul iyagoo sii mara Oakdale, Landfall, iyo Maplewood.
- Qariirad jideedka Leenka Dahabiga
Basaska Leenka Oranjiga waxuu ka soo bilaabmaa Burnsville's Heart of the City Station isagoona tagaya faras magaalaha Minneapolis.
- Qariirad jideedka Leenka Oranjiga
Basaska Leenka Casaanka waxay u kala safraan inta u dhaxaysa Mall of America iyo Apple Valley Transit Station.
- Qariirad jideedka Leenka Casaanka
Sida loo isticmaalo gaadiidka baska ee dheereeya